WHAT IS A BLOG AND HOW TO MAKE MONEY



WHAT IS BLOG

Blog waxa laga soo gaabiyay "WEBLOG".Tusaale, een waa joornaal online ah ama meel lagu soo gudbiyo macluumaadka sida ay ukala horeeyaan oo qoraaladii ama postigii udanbeeyay ayaa soo muuqanaya marka hore xagga sare ee websiteka.

 Erayga blogger waxa loola jeedaa qof ku soo gudbiya maqaallo, sawiro, ama muuqaalo websiteka uu ku dhex leeyahay internetka .. Wuxuu diiradda saari karaa waaya-aragnimadiisa gaarka ah ama wuxuu xoogga saari karaa hal mowduuc oo laga yaabo inay daneynayaan dadka kale.

Qofka Blogger-ka waa inuu  si joogto ah uu ugu soo gudbiyo maqaallo  boggiisa ama bloggiisa, isaga oo inta badan bixinaya faallooyin, iyo mawduucyo badan oo kala duwan sida kuwa kahadlaya  siyaasadda, diinta, dhacdooyinka hadda jira, ciyaaraha, iyo farshaxanka. Meelaha kale ee xiisaha leh waxaa ka mid ah farsamada, internetka, dadka caanka ah, qalabka, iyo qaar kale oo badan.  

Qaar ka mid ah  dadka bloggers ah waxay isticmaalaan adeegyada blogging lacag la'aan ah, halka kuwa kale ay iibsadaan magacooda domainka  oo ay ku xayaysiiyaan bloggooda adeegyo ama xayaysiimo lasaartay blogooda. Qof kasta oo heli kara internet iyo mobile ama labtob oo wax aqoona kahaysta blogga wuu noqon karaa blogger .

1/Post a Comment/Comments

thanks for massge

Post a Comment

thanks for massge

Contact Us